Puntland Oo Ka Digtay War Saxaafadeedna Ka Soo Saartay, Tiro Xildhibaano U Ololeynayo Mooshin Ka Dhan Ah Ra’iisul Wazaare Saacid.

0
488

Madaxtooyada Puntlan

Puntland oo ka digtey mooshin ka dhan ah Raysalwasaare Saacid War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay sida Puntland uga wel-welsan tahay mooshin ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga soo horjeedo Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Digniinta Puntland ayaa soo baxaysa, xili masuuliyiin ka agdhaw Madaxweynaha Soomaaliya ay sheegayaan in isbedel lagu samaynaayo Xukuuumadda, Waxaana Ilaa Iyo Haatan Wax war ah ka soo bixin Raysalwasaaraha Soomaaliya.

AQRISO ISAGOO DHAMEESTIRAN:

WAR-SAXAAFADEED:

Isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana jira koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka Dhan Ah Rai’sul Wasaaraha Federaalka oo xilliga uu magacaaban yahay dhan yahay muddo 7-bilood ah.

Iskudaygaan ayaa dhuminaya wakhti, dhaqaale, iyo dadaalkii wadajirka ahaa ee Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay geliyeen in la dhiso Hey’daha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyadoona Xilligii Dowladdii KMG ahayd waxaa hareereeyey isqabqabsi siyaasadeed oo curyaamiyey awoodii Dowladdu ay ku fulin lahayd waajibaadkeedii, ayna u gaarsiin lahayd adeegga bulshada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Puntland ayaa aaminsan in dano gaar ahaaneed oo ku wajahan helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso tallaabadan, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Hey’adaha Federaalka Soomaaliya inay ku mashquulaan hirgelinta howlaha Qaran, sida maaraynta caqabadaha dhaqaale oo dalka gudahiisa ka jira, xal u helida
faragelintii lagu sameeyey Dastuurka Federaalka, ka shaqaynta amniga, iyo taageeridda dhisida Maamullada
Federaaliga ah ee dhiman. _ DHAMAAD _