Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Waxa Ay Dhaliileen Wasiirka Arrimaha
Gudaha Iyo Amniga Qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed iyo C/xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Oo Isna Ah
Wasiirka Wasaarada
Gaashaandhiga.
C/raxmaan Xaaji
Aadan Ibbi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya, oo maanta la hadlay
Warbaahinta Magaalada
Muqdisho, ayaa waxa Uu si Kulul U Dhaliilay In Wasiiradaan, ay ku fashilmeyn
wax ka qabashada,
dhibaatooyinka ka taagan Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka.
Ibbi ayaa wuxuu sheegay
in Gobolka Shabeellaha Hoose ay
ka jirto dhibaato adag, oo uu
sheegay inay ka geysanayaan
Ciidamada Dowladda Somaliya Taasoo Ay Ugu Weyntahay Isbaarooyin Ay Dhigtaan Wada Xiriirasa Banaadir Iyo Sh/Hoose.
Sidoo Kale Xildhibaan Ibbi ayaa wuxuu
sheegay inay isa soo tarayaan
dhibaatooyinka Ciidamada
Dowladdu, ay ka geysanayaan
Deegaanada Gobolka Shabeellaha
Hoose, isla-markaana Waxaan jirin wax ay ka qabanayaan Labadaasi Masuul.
C/raxmaan Ibbi ayaa sheegay in xilligaan ay dhibaatadii ugu adkeyd ay ka
taagan tahay, wadada xiriirisa
Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, oo uu xusay
inay taako taako isbaarooyinka u
soo dhigteen Ciidamada Dowladda, isla-markaana ay Wasiiradu ku
fashilmeyn inay wax ka qabtaan Dhibaatooyinkaasi Ay Ciidamada Dowlada Ku Hayaan Shacabka.
Hadalka Soo Yeeray Xildhibaan Ibbi Ayaa Imaanaya Xilli Laba cisho kahor Ciidamada Dowladda ay shan haween ah ku kufsadeen
Deegaanka Leego ee duleedka
Degmada Wanlaweyn ee Gobolka
Shabeellaha Hoose, inkastoo laba
kamid ah la soo qabtay Ciidankii
kufsiga kula kacay haweenkaasi.




