Walliam Ruto Madaxweynaha ku Xigeenka dalka Kenya oo kulan amaanka Kenya lagu adkeynayay la yeeshay
Saraakiisha hay’adaha amaanka,ayaa amray in ciidamo loo daad gureeyo Magaalada Mandhera iyo Deegaanada kale ee ku teedsan si ay ula dagaalamaan Kooxaha Argagixisada ee Ajaaniibta ah Oo Uu Ula Jeedo Al-Shabaab.
Mr Rutto Ayaa Sheegay in ciidamada amaanka ay ee xuduudaha roondada ka sameeya ay badiyaan howgalada
halkaasi ay ka wadaan islamarkaana wixii qal-qal gelinaya ammaanka ay gacan bir ah ka dhigaan.
“Ethiopia iyo Kenya waa inay isku Mashquuliyaan xaqiijinta ammaanka xadka Soomaaliya ay la wadaagaan,waa inay ciidamada difaaca Kenya dhaqso ay u fuliyaan amarka dowlada ayna talaabooyinka wax ku ool qaadaan,”ayuu Yiri William Ruto.
Ku xigeenka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku dheeraaday warka ku aadan adkeynta ammaanka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in saraakiil Boliis ah oo gaaraya 200 loo dirayo Magaalada Mandhera iyo deegaanada ee xadka ku yaalo,kuwaaso oo lagu sii adkeynayo amaanka oo xaaladiisa laga deyrinayo.
William Ruto Ruto ayaa arintaan u sababeeyay Weerar hor leh oo kaga imaankara Soomaaliya,kuwaasi oo ay soo
qaadaan Al-shabaab,iyadoo sida caadada ay tahay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka geystaan gudaha Kenya.





