Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa La filayaa in uu ka qeyb galo Shir La filayo in uu ka furmo Magaalada Tokyo ee Xarunta dalka Japan kaasi oo diiradda lagu saari doono sidii Loo xoojin lahaa xiriirka dowladda Japan kala dhexeeya Wadamada Afrika.
Wafdigaani uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo shalay ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay gaaran Caasimadda dalka Japan ee Tokyo halkaasi oo la filayo in ay uga qeyb galaan shir heer Caalami ah oo ay isugu imaan doonaan wadamada qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.
Injineer C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo markii wafdiga Madaxweynaha ay ka amba bexeen Magaalada Muqdisho La hadlay Saxaafadda ayaa u xaqiijiyay in Wafdigu ay ka soo qeyb galayaan Shir Caalami ah oo ka furmaya Japan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlaneed soo celinta Xiriirkii Caalamiga ahaa ee kala dhexeeyay Soomaaliya iyo wadamada kale ee Caalamka.




