Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xalay duleedka degmadaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray ciidamada Kenya ee magaca AMISOM ku jooga halkaas iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa bilowday markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Kenya ku leeyihiin isgoys la yiraahdo Jakshan oo illaa 40-km ka baxsan degmada Dhoobley.
Labada dhinac ayaa dagaalkaas isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyagoo isku garaacay madaafiic u badan kuwa hoobiyeyaasha ah, lamana oga illaa hadda khasaaraha dagaalkaas ka soo gaaray.
Ma jiro war ku saabsan dagaaladii xalay oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab hase ahatee waxaa degan saaka nawaaxiga goobihii xalay lagu dagaalamay, iyadoo ciidamada Kenya ay wadaan baaritaano.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa mudooyinkan weeraro isdaba joog ah ka geysanayey degaano ku dhow degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose, iyagoo wadada u gala ciidamada Kenya ee isaga gooshaya degaanadaas.




