ASKARI KA TIRSAN ILAALADA XILDHIBAANADA KISMAAYO KU SUGAN OO RASAAS KU FURAY DAD BANAANBAX DHIGAYAY.

0
610

BananbaxDadwaynihii maanta banaanbaxa ka sameenayay magaalada kismaayo banaanbaxaasi oo lagu taageerayay maamulka jubba land ayaa waxaa haatan war nasoo gaaraya ay sheegayaan in uu Askari rasaas ku furay askartaa oo ka mid ah askarta ilaalada u ah xildhibaanada magaalda kismaayo ku sugan islamarkaana dagan hotel cascaseeyo ee xaafada faanoole
rasaasta uu askariga ku furay banaanbaxayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay dhawawac uu ka soo gaaray haweenay ka mid ahayd daka bananbaxa dhigayay halkaana dad ay ka soo gaareen dhaawacyo yaryar
intaa ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamda amaanka magaalda oo baacsaday askarigii falka u gaysatay dad dareenkooda cabirayay waxaana uu askarigii gudaha u galay hotel cascaseeyo oo ay daganyihiin musuuliyiin ka tirsan dawlada fadaraalka ah ee soomaaliya halka ciidamda amaanka ay halkaa ka wadaan isku dayo ku aadan in ninkaasi gacanta lagu soo dhigi ka dibna xabsiga loo dhaadhiciyo
lama garan karo sababta askarigaan ka midka ah ilaalada musuuliyiinta dawalada ee kismaayo ku sugan uu ugaystay falka agagaxa ku leh bulshada dhexdeeda waxaana ay tani ku soo beegmaysaa xili dadka iyo maamulka jubba land ay dawlada ku eedaynayaan in ay wadaan falfal ka dhan ah aminiga magaalada iyo shacabkaba.