Xafladda dhaarta m/weynaha cusub ee dalka kenya oo lagu casumey m/weyneyaal aanu ku jirin m/weynaha somalia prof. Xasan sheekh maxamu’d.

0
448

Iyadoo kipaki loo sameeyey xaflad sagootin ah ayaa waxaa la filayaa in maalinta axadda oo kiritaanka u ah maalin nasasho,sida muslimku ay jimcaha u nastaan in la dhaariyo m/weynaha cusub ee dalka kenya,uhuuro kenyata.

Dhaarta uhuuro ayaa la sheegayaa in lagu casumey m/weyneyaal iyo madax dunida daafaheeda ka kala socda,waxaase wax lala yaabo noqotey markii gudiga qabaqaabada munaasabada la soo gaarsiiyey in casumaadaha aan lagu darin m/weynaha soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamuud taas oo muujineysa cadaawada ay kenya soomaaliya u heyso,waana dardaaran ay m/weynayaasha kenya soo marey isu dhaafaan isla markaana midba midka kale ku wareejiyo.

Lama oga waxa uu ka yeelayo m/weyne xasan sheekh marka uu maqlo warkan,mana aha wax cusub ee waa soo jireen aan dad badani ogeyn waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ciidamada kenya ku jiraan gudaha dalka soomaaliya,isla markaana ay hoos ka riixayaan shir la sheegey in lagu dhisayo ismaamulgoboleed juba land loogu yeerey oo aan wali hirgelin laguna muransanyahey.