Waxaa maanta dalka soomaaliya soo gaarey wafdi ka socda bankiga aduunka oo ay horkaceysey agaasimaha soomaaliya iyo labada sudan,kuwaasoo kusoo bandhigey buug ka hadlaya khasaaraha dhaqaale ee ay burcad badeedku aduunka u geysteen,maraakiibta la afduubtey,tirada badmaaxyada la afduubtey iyo sida looga gaashaaman karo.
Wafdiga ayaa waxaa airborka kusoo dhaweeyey wasiirka caddaalada iyo garsoorka c/laahi abyan nuur masuuliyiin uu horkacayey waxeyna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin imaatinka wufuudan ayna arkeen buug ka hadlaya burcadbadeeda soomaaliya balse aan iyaga waxba laga waydiin isla markaana ay qabaan in aragtidooda buuga lagu daro maadaama laga hadlayo arrimo khuseeya soomaalida iyo soomaaliya.
Waa markii ugu horeysey ee wafdigani ay dalka yimaadaan,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ay dalka ka maqanyihiin madaxda dalka ugu sareysa,sida m/weynaha,gud.barlamaanka,iyo r/wasaaraha soomaaliya,mana jiraan balanqaadyo iyo wax qabad la xiriira hawlaha bankiga ee soomaaliya.




