QM iyo Midowga Yurub oo dhaleeceyay Dilkii Wariye Maxamed Ibraahin Raage Ay kooxo hubaysan ugu gaysteen Muqdisho.

0
467

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay dilkii loogu gaystay Alleha u naxariistee weriye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta dowladda soomaaliya oo lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho
Michele Cervone d’Urso ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya
ayaa sheegay inuu cambaaraynayo dilka weriyaha Maxamed Ibraahim Raage, wuxuuna dowladda Soomaaliya u soo jeediyay inay howlgeliso guddigii la sheegay in loo xilsaaray barista dilalka weriyeyaasha iyo in caddaaladda la hor keeno kuwii ka dambeeyay dilalka wariyaasha.
Ergayga gaarka ah ee migowga yurub Michele Cervone d’Urso waxa uu dowladda ku guubaabiyay inay sugto ammaanka dadka ka shaqeeya warbaahinta.
Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga isna cambaareeyay dilkii loogu gaystay magaalada Muqdisho Alle ha u naxariistee weriye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa oo shalay lagu aasay duleedka Muqdisho.
Sidoo kale waxaa isna canbaarayay falkaasi lagu dilay wariye Maxamd Ibraahin Raage danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James C. Swan waxaana uu muujiyay muujiyey sida uu uga xun yahay dilka weriyaha oo ka tirsanaa Radio Muqdisho iyo telefishinka qaranka ee SNTV, wuxuuna taci u diray qoyska, ehelada iyo saaxiibbada uu weriyuhu ka geeriyooday.
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero dedaallada wax looga qabanayo xadgudubyada ee lagu dammaanad-qaadayo ammaanka weriyeyaasha.