Deegaanka Afmadow oo 22 Sanno kadib Garoon Diyaaradeed yeelatay.

0
332

Garoonka diyaaradaha magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa dib u shaqo bilaabay kadib markii uu in muddo ah xirnaa maamulka degmada Afmadow ayaa ku dhawaaqay in garoonka uu shaqaynayo isla markaane ay si caadi ah usoo caga dhigan karaan diyaaraduhu.
Madaxa arimaha bulshada degmada Afmadow C/qaadir Aadan Sanjeex oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay kadib dayactir qaatay 3 Todobaad oo kaasoo ay iska kaashadeen shacabka iyo maamulka degmadaas iney suurta galisay in garoonka uu shaqadiisa dib u bilaabo kadib 22 Sano oo uu xirnaa.
Madaxa arimaha bulshada degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka degmadaas ay muujiyeen isku filaansho isla markaane ay go’aansadeen iney gacmaha isqabsadaan kana wada shaqeeyaan horumarka degmadooda.
Wuxuuna dhanka kale ka dayriyey xaaladaha caafimaad ee degmada,isagoona tilmaamay in magaalada Afmadow ay ka jirto dhibaato dawo la’aaneed kadib markii ay meesha ka bexeeb hay’ado uu sheegay iney dawooyinka gaarsiin jireen degmada Afmadow,wuxuuna ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney adeeg caafimaad la gaarto shacabka ku dhaqan degmada Afmadow.