Guddoomiyaha kooxda Xiriirka Caalamiga Doona Hobkinis ayaa Sheegtay in Kooxdu ay Diyaarisay Dhaqaale aad u Fara badan oo la siinayo Dowlada Somalia si Dalka Somalia oo Mudo dheer ku soo Jira Bur Bur iyo Dagaalo iminka Dib u dhis loogu sameeyo .
“Waxaa Caalamku doonayaa in Somalia la caawiyo waliba lagu caawiyo lacago fara badan wadamada ka shaqeeya Hor marka ayaa arintaan aad ugu howlan waa u baahan tahay Somalia in la caawiyo waxaan Rajeynayaa in aysan Wax Caqabado ah la kulmi donin Dadaalada aan wadno Kulankeena ka dhacaya Bisha may Magaalada WashinG Ton ayaan uga hadli doonaa Arimaha Somalia Waxaana ka soo qayb gali doona Madaxweynaha Somalia oo aanu ku Casuumnay “ ayay Tiri Haweeneyda Madaxda Ka Ah ICG-da.
Sanad kasta ayay Kooxdaan Waxaa ay Yeeshaan Shir Sanadle ah oo ay Diirada Ku Saaraan Xaalada wadanka Somalia waxaana Kulanka Soo Socda lagu wadaa in loogu Yaboohi Doono Wadanka Somalia Lacago aad u fara Badan oo ay Bixinayaan Wadamada daneeya Arrimaha Somalia Iyo Hay’ado. Sida ay sheegtay Doona Hobkinis oo ah Gudoomiyaha Kooxda International Contect Group ICG.




