“C/llaahi Abyan Nuur”Waxaan Ku Guuleysanay Inaan Ka Cirib Tirno Cudurkii Shuban Biyoodka Xabsiga Dhexe.

0
495

Xafladaani Maanta lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho oo ay ka
qayb galeen mas.uuliyiin
xukuumada Soomaaliya ka Tirsan laguna maamuusayay dabar jarka cudurka Shuban biyoodka oo
xabsiga Dhexe Ee Muqdishoku dilay 4 ruux oo maxaabiis aheyd waxaana halkaa looga dhawaaqay in cudurkaasi laga cirib tiray Xabsiga Dhexe.

Ducaale Aadan Agaasimaha waaxda
Caafimaadka wasaaradda
adeegga Bulshada
oo hadal Ka jeediyay Munaasabada ayaa ku
dhawaaqay in laga Cirib Tiray cudurka shuban biyoodka
Xabsiga dhexe oo dhawaan ka
dilaacay Cudurkaasi.

Agaasimaha Ayaa Waxaa uu Sheegay In dabar jarka
Cudurka ay ka qayb qaateen hay’addaha caafimaadka ee ka
howlgala dalka Soomaaliya
Isagoona Beeniyay in Muqdisho uu ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka Loo Yaqaano.

C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka Somalia ayaa Waxaa uu Sheegay in Cudurkaan ay dad
Ugu Geriyoodeen Xabsiga dhexe
hadana Nasiib wanaag laga Cirib
Tiray Isagoo intaa ku daray in La Abaal Marin Doono hay.adihii ka qayb qaatay Cirib
Tirkiisa.