Yuusuf Axmed Afrax oo loo yaqaanno Yuusuf Kabaale oo ah Gudoomiye ku xigeenkii degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay xilka qaadis uu ku sameeyey gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Mr Kabaale ayaa sheegay in xilka ka qaadista lagu sameeyey ay tahay mid sharci daro ah oo cadaalad daro ku dhisan isagoo xusay inuusan aqbali doonin, wuxuuna gudoomiye Tarsana ugu baaqay inuu ka noqdo go’aankaasi.
“Waxaa qoraalka Tarsan ku xusan in xilka la iiga qaaday sababo xil gudasho la’aan, arintaasna waxba kama jiro, gudoomiyaha degmada oo khilaaf gaar ah uu naga dhexeeyey ayaa warbixin qaldan iga gudbiyey Tarsana isagoo aan baarin, anigana iga wareysan beenta loo sheegay ayuu xil ka qaadis ku dhaqaaqay.” ayuu yiri Yuusuf Kabaale.
Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo ah Gudoomiyaha degmada Dharkeynley oo isna arinkan ka hadlay ayaa sheegay in gudoomiye ku-xigeenkiisa looga qaaday xilka sababo ka xiriira xil gudasho la’aan, balse uusan jirin wax khilaaf ah isaga kala dhexeeya, “Qofku haddii uu xilkiisa uu gudan waayo cid la tashaneyso ma lahan xilka waa laga qaadayaa” ayuu intaa ku daray Macalin Cabdulle.




