Waxaa lagu wadaa in Maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Alaha u naxaristo Wariye Maxamed Ibraahin Raage oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen Xaafadiisa oo ku tiilay degmada Dharkeenley ee gobolka Banadir.
Marxuum Maxamed Ibraahin Raage ayaa ka tirsanaa Wariyayaasha Warbaahita dowladda ka shaqeeyo gaar ahan Idaacadda iyo TV-ga Qaranka.
Aaska Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Raage oo ka dhicidoona Magaalada Muqdisho ayaa lagu wada iney ka soo qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, Suxufiyiin iyo qeybaha bulshada.
Wariye Maxamed Ibraahin Raage Ayaa ifka kaga tagay labo carruur iyo hal Xaas ah.




