Baladweyne oo laga cabsi qabo inuu dagaal dhexmaro Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Ethiopia iyo dadka Magaalada oo ka cabsi lasoo daristay.

0
484

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu jiro qilaaf xoogan oo ka dhex aloosan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan magaalada Baladweyne.

Dadka magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in qilaafkaan uu ka dambeeyay kadib markii askari etoobiyaan ah uu dilay nin ganacsato reer Hiiraan ah kadibna ay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah nabad ilaalinta Midowga Afrika ay xabsiga dhigeen askarigaas.

Taliyayaasha ciidamada Etoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa diiday in xabsiga lagu haayo askarigooda isla markaasna aysan u dul qaadan Karin arrintaas.

Waxaa jira cabsi xoogan oo laga qabo inuu iska hor imaad uu dhexmaro ciidamada Jabuuti iyo Etoobiya oo ku aadan gacan ku dhigista ASkariga Etoobiyaanka ahaa ee Ciidanka Jabuuti ay xereen.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaa idinkala soo socod siinaynaa.