Afhayeenka barlamaanka maxamed sh cismaan jawaari iyo xubno uu horkacayo oo u kicitimey dalka norway.

0
498

Afhayeenka barlamaanka maxamed sh cismaan jawaari iyo xubno uu horkacayo ayaa u kicitimey dalkaasi norway, prof. Jawaari iyo wafdiga uu hugaaminayo ayaa casumaad ka heley dalka norway,waana dalka uu degenyahey mr jawaari.

Dalka norway ayaa shidaal uu ka qodayey xadka dhulka soomaaliya dhawaan laga joojiyey kadib markii kenya iyo soomaaliya ku murmeen,iyadoo midba midka kale ku eedeynayo in uu isagu xaq u leeyahey in uu maamulo ciidiisana ay tahey,hase ahaatee prof jawaari ayaa markasta mudnaan siiya dalka uu basaboorka ka heysto ee norway,wuxuuna sheegey prof jawaari inta uusan dalka ka ambabixin in ay wax kasoo baranayaan barlamaanka dalkaasi norway.

Dad badan ayaa u arka wax ka barashada dalka norway mid wax u dhimi karta shuruucdeena islaamiga ah iyo xeerarkeena suuban ayna ka haboontahey in aqoonta loo doonto dalalka muslimka ah,waxaana la filayaa in ay lasoo kulmaan xubno barlamaanka dalkaas kamid ah.

Maahan markii ugu horeysey ee uu afhayeenka barlamaanku safar debedda ah aado,wuxuuse kani kusoo beegmayaa iyadoo kalfadhiga barlamaanku socdo xubno barlamaanka ka mid ahina ku maqanyihiin kormeero gobolada dalka ah.