Wefdi u kuur gelaya xaaladda caafimaad ee Gobolka Hiiraan gaar’ahaan magaalada Beledweyn ayaa maanta (Sabti) gaarey Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.
Wefdigan oo ka socdey hay’adda Qaramada Midoobey qaybaheeda kala duwan ayna hoggaaminayaan masuuliyiin ka socda WHO ayaa kulan la qaatey maamulka Gobolka Hiraan, waxaa kale oo la kulmeen laamaha caafimaadka hay’adaha ka shaqeeya.
Saraakiisha ka socdey UN-ka ayaa booqdey xerada Ceel Jaale halkaas oo lagu daweynayey dad uu soo ritey cudurka Shubanka Biyoodka kuwaas oo u badan Caruur, waxaana ilaa hadda ku sugan Xeradaas 120 qof oo qaba cudurka Shuban Biyoodka.
Cudurka Shuban Biyoodka ayaa sanadkasta dila caruur aad u faro badan, waxaana sidaan si la mid ah laga soo sheegayaa meelo ka mid ah Gobolka Gedo ee galbeedka Soomaaliya.





