Wararka ka imaanaya deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed qeybtooda gobolka Galgaduud ay xalay si rasmi ah ugu shaqeeyey saldhiga Booliiska degmada Balanballe ee gobolkaasi, kadib markii lagu guuleystay shalay in laga saaro dadkii mudada 20-ka sano sida sharci darada ah ku degenaa.
Maxamuud Maxamed Cabdi oo ah Gudooomiye ku xigeenka maamulka degmada ayaa sheegay in markii ugu horeeysay uu maamulka dowladu si wadajir ah uga howlbilaabay degmada Balanbal ee gobolkq Galgaduud, iyadoo ciidamada Booliiskuna ay sidoo kale uga howlgelayaan Saldhiga Booliiska, tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe.
Maamulka Balanbale ayaa intaa ku daray in haatan ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in ay dib ugu hantaan xarumihii dowlada, Wuxuuna sheegay in dhawaan ay dhagax dhigidoonaan xaruntii maamulka taas oo ay doonayaan in si iskaa wax u qabso ah ay uga qeyb qaataan shacabka ku nool degmadaasi.
Dhawaan ayeey aheyd markii wafdi uu hogaaminayay R/wasaaraha Soomaaliya uu gaaray gobolka Galgaduud, isago maamulo cusub u Magacaabay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi




