Safiirka dalka mareykanka u fadhiya soomaaliya jemis swan iyo safiiro ka socda dalal yurub ah oo booqdey puntland magaalada garoowe.

0
500

Safiirka dalka mareykanka u fadhiya soomaaliya jemis swan iyo kuwo ka socda dalal midawga yurub ka tirsan ayaa maanta gaarey puntland magaalada garoowe.

Safiiradan ayaa waxaa puntland kusoo dhaweeyey madax ka tirsan maamulka puntlan sida m/weynaha c/raxmaan faroole m/weyne kuxigenka iyo wasiiro dadweyne ay barbartaagnaagyeen xildhibaano barlamaanka ka tirsan,waxaaney wafdigaani u kuur gelayaan dimuquraadiyada iyo nidaamka axsaabta badan oo puntland sheegtey in ay u hayaameyso.

Wafdigaan ayaa niyada u qaboojinaya maamulka puntland oo tan iyo intii dawlada federalku ay hugaamiyeen wajiyo aan hore siyaasada loogu aqoon kuwaasoo kala kulmey caalamka soo dhaweyn iyo ictiraaf aan dawladihii hore ka helin dalalka aduunka.

Booqashada safiiradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay socoto qabanqaabada shirka london la filayo in uu ka dhaco bisha may 7deeda,waxaana laga yaabaa in lagu qancinayo shirkaas iyo sida ay u rabaan dalalka shirkaas hugaaminaya,shirkaas oo gabi ahaanba qaadaceen oo aaney kaba soo qeyb geleyn.