Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Dekkada Kismaayo iyo taliska ciidanka

0
491

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saacid ayaa maanta booqday Dekkada magaalada Kismaayo iyo xarunta taliska ciidanka ee Kismaayo.
Kormeerka R/wasaaraha ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka difaaca dalka C/xakiim Maxamuud Xaaji “Fiqi” saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka kuwa AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Markii uu tagay dekkada magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu warbixin ka dhageystay mareeyaha dekkada Kismaayo waxa uuna ka warbixiyay xaalada dekkada isagoona sheegay in dekkada qeybo ka mid ah ay u baahan tahay dib u dhis.
R/wasaaraha ayaa soo kormeeray dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay dekkada si uu u soo ogaado baahiyahay ka jiro iyo goobaha ay u baahan tahay in laga dacay tiro.
Sidoo kale R/wasaaraha ayaa kormeeray xarunta taliska qeybta labaad ee ciidamada Qalabka sida halkaas oo uu ciidamada mid mid uga wareystay xaaladooda.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ciidamada ugu hambalyeyay duruufihii adkaa oo ay ku soo shaqeyeen waxa uuna tilmaamay in ciidamada dowladda si weyn loo qalabeyn doono madaama laga qaaday xayiraadii hubka ee saaran dalka.
Kormeerkan uu maanta ku tagay dekkada kismaayo iyo taliska ciidanka ayaa waxa uu yahay mid uu R/wasaaraha ugu kuurgalayo waxyaabaha ay u baahan yihiin dadka ku dhaqan Kismaayo in laga tageero.