Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Madiina ee magaalada Muqdisho aya sheegay in xalay kooxo hubaysan ay ku dileen halkaas sargaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia.
Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/aahi Madoobe wuxuuna ka tirsanaa ciidanka nabad sugidda qaranka waxaana lagu dillay xaafaddisa xilli u doonaya inuu galo gurigiisa.
Kooxihii dilka gaystay aya baxsaday kadib marki ay fuliyeen dilka.
Ninkaan la dilay ee ka tirsanaa saraakiisha ciidamada amaanka ayaa waxaa uu dhawaan ka yimid magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan halkaas oo howlo shaqo uu u joogay.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Siliga ee degmada Wadajir waxaana uu dhacay goor maqribkii ahaa iyadoo la sheegay in ragga dilka fuliyay ay tiradooda gaaraysay afar qof.
Si kastaba dilalka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho xilli magaalada ay sameenayso horumar oo ay ka soconayan dhismooyin.




