Agaasimihii nabadsugidda qaranka axmed macalim fiqi ayaa ku dhawaaqey in uu iska casiley xilkii hey’adda nabadsugida qaranka,iyadoo la sheegey in agaasimaha ay soo gaartey warqad xil ka qaadis ah.
Agaasimihii hore ee hey’adda nabadsugida qaranka axmed macalim fiqi ayaa ahaa dublamaasi hore usoo noqdey safiir somaliya u fadhiya dalka sudan taas oo uu ka doortey xilkan uu maanta ka tagey,waxeyna saaxib dhaw ahaayeen m/weynihii hore sh/sharif sh axmed oo u magacaabey agaasimaha hey’adda nabadsugida qaranka.
Xilka qaadista ayaa waxaa ku wehliya saraakiil kale sida gen. Shaahiyow,xasan macalim iyo kuwo kale,waxaana la sheegayaa in lagu eedeeyey rag maxaabiis ahaa oo dhawaan meydadkooda laga heley jidadka muqdisho,kuwaasoo nabadsugidu u dishey si sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka dalka u yaal iyo qawaaniinta caalamiga ah.
Ilaa hadda dawladu kama hadlin kiiska maxaabiista la diley cida ka masuulka ah iyo debiga intaas la eg cidii geysatey waana mid niyad jab ku keentey dad badan oo quudareynayey in la helo caddaalad iyo isfaham dhexmara dawlada iyo shacabka.




