Ibraahim yuusuf ibraahim waa wiil lix jir ah oo ciidamada boolisku kasoo furteen kooxo ka afduubtey dugsi qur’aan uu dhiganayey.

0
481

Ibraahim yuusuf ibraahim oo ah wiil yar oo lix jir ah uuna dhaley gud.kuxigenka deg.dharkeynley ayaa ciidanka boolisku ku guuleysteen in ay usoo furtaan isagoo bed qaba kadib markii kooxo hubeysani ay ka afduubteen dugsi qur’aan uu dhiganayey.

Gud.kuxigenka degmada dharkeynley yusuf ibraahim oo ah aabaha wiilkan yar dhaley ayaa sheegey in fariin xaga telfonka ah lagu soo gaarsiiyey in la dilidoono wiilkiisa hadii aanu soo deyn niman danbiyo loo heystey oo xirnaa kadibna telfon lagula hadley laguna yiri ma heshey fariinta isna uu yiri haa ayna ku yiraahdeen hadii aadan fariinta ku camal falin wiilkaagu waa ku daayey.

Taliyaha boliska gobolka banaadir gen.axmed xasan maalin iyo afhayenka ahna taliyaha hugaanka baarista CID gen.bariise ayaa soo bandhigey wiil yar iyo aabihiis oo bed qaba iyo afar dhalinyaro iyo hubkoodi kuwaasoo la sheegey in ay ahaayeen kuwii afduubtey wiilka yar ee aan waxba galabsan,iyagoo sheegey in ay maxkamada horgeyn doonaan ayna ku dabajiraan kuwo kale oo fal danbiyeedkan ku lug lahaa.

Ficilkan ayaa ah mid waayahan aan la arag hase yeeshee aan la garaneyn waxa soo cusbooneysiiyey,hadiise garsoor iyo ciqaab marin ay helaan u noqon laheyd waano kuwo denbiga weli aan gelin hadiise uu arko denbiilihii oo debedda daansho daanshoonaya ku ridi karta isna inuu denbigaas oo kale galo.