Gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya maxamed sh cismaan jawaari oo kormeer shaqo ku ku joogey beryahan gobolka baay magaalada beydhabo ayaa kormeerey iskuulka cabdalla deerow oo ay dhigtaan gabdho tiradoodu ku dhawdahey 800 sideed boqol.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale soo afjarey khilaaf u dhaxeeyey xubnaha barlamaanka digil iyo mirif kaas la xiriira xil ka qaadista gudoomiyihii hore ee gobolka baay c/fitaax geesey,waxaana lagu guuleystey in maanta lagu dhaariyo xubnaha cusub ee maamulka baay gudaha magaalada beydhabo.
Hawshan uu gudoomiyaha barlamaanku ka wado beydhabo ayaa ah hawl ay leedahey wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka,taas oo muujineysa sida aysan nidaamka shuruucda dalka u degsan u raaceyn madaxda dalka ugu sareysa,sidaas si lamid ahna m/weynuhu uu faraha kula jiro hawlaha r/wasaaraha iwm.
Dhaarta maamulka cusub ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ciidamada ethoipia ay isaga baxeen meelo kamid ah gobolka xudur ee deriswadaaga la ah gobolka baay.




