Hay’adaha Samafalka oo loogu Baaqay inay wax ka qabtaan xaaladda Caafimaad ee Baladweyne xilli Shuban uu ka dilaacay.

0
505

Bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka inay gar gaar lasoo gaaraan dadka uu soo ritay cudurka Shubanka biyoodka kaas oo dhawaan ka dilaacay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Qeybaha kala duwan ee ku dhaqan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka inay gar gaar lasoo gaaraan Magaalada Baladweyne oo haatan laga soo sheegay inuu ka jiro cudurka Shubanka oo dad badan soo ritay.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad badan oo u geeriyooday Cudurkaas iyadoo uu jiro dad uu soo ritay oo ku jira isbitaalada magaalada Baladweyne kuwaas oo xaaladooda qatar ku jirto lagana deerinaayo.

Si kastaba cudurka Shuban biyoodka ayaa ka dilaacay qeybo badan oo kamid ah dalka Somalia oo ay kamid tahay Xabsiga Magaalda Muqdisho.