Askarigii ugu horeeyay ee Taraafiko oo Muqdisho lagu dilay iyo Taliska Taraafikada oo ka hadlay.

0
728

Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo ah Taliyaha Ciidanka Taraafikada Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dil maanta loo gaystay Askari ka tirsan Ciidamada Taraafikada gobolka Banadir kaas oo lagu dilay degmada Yaaqshiid Gobolka Banadir.

Labo nin oo dabley ah ayaa dil u gaystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada wadooyinka Gobolka Banaadir kaas oo lagu dhex dilay dukaan uu wax ka iibsanayay.

Kooxihii dilka gaystay ayaa isaga baxsaday goobta kadib markii dilka ay gaysteen iyadoo aysan jirin cid dabagal ku samaysay.

Taliyaha Ciidamada Taraafikada gobolka Banaadir Cali Gaab ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilka loo gaystay askarigaas isla markaasna ay baari doonaan.

Marxuudka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Warsame kaas oo ka howlgali jiray Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banadir.

Waa Markii ugu horeesay oo Magalada Muqdisho lagu dilo Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada dalka Somalia.