Tuulo u dhow Galkacyo oo Dilal ay ka dhaceen.

0
507

Wararka ka imaanaya Tuuulada Qeydareey ayaa Inta la xaqiijayay labo ruux ay ku geeriyootay midkalena Wuu ku dhaawacmay weerar kooxo hubaysan ay xalay ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo deganaa Tuuladaas.

Tuuladan oo ku taallo Deegaan lagu magacaabo Bali-busle oo Dhanka Waqooyi kaga beegan 50 Km magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaana dadkaani geeriyooday ay ahaayeen sida ay dadku sheegayaan dad reer guuraa ah oo deganaa deegaanadaasi tuulooyin ka dhaca waqooyi bari ee gobolka Mudug .

Qaar ka mida dadka deegaankaasi ayaa u xaqiijiyay idaacada Kulmiye in weerarkaani ay fuliyeen kooxo hubaysan oo tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa iyo shan ruux oo rasaas la dhacay dadkan reer guuraaga h.

Axmed Maxamed Cumar oo ah k xigeenka Mas;uulka u qaabilsan Maamulka Puntland Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay jiraan weerar dadkaan loo gaystay iyadoo dad kale oo reer guuraa ah ay dilka gaysteen isla markaasna ay baarayaan.

Weerarkaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid Aano Qabiil ah.