Gudoomiye kuxigenka 2’aad ee xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID halgamaa cali gurey oo dhaliiley hugaanka silaanyo iyo wasiiradiisaba.

0
482

Xisbiyada mucaaradkaa ee somaliland ucid iyo waddani ayaa siyaabo kala duwan uga hadley hadal uu m/weyne xasan sheekh barlamaanka soomaaliya ka hor yiri kaas oo ahaa in ay qoraalo is dhaafsadeen dawlada federalka iyo madaxda somaliland si fiican iyo isfahamna ay ku socdaan wada hadaladii u dhaxeeyey soomaaliya iyo somaliland.

Gudoomiyaha waddani cabdilaahi cirro ayaa hadalka m/weyne xasan sheekh waxba kama jiraan ku tilmaamey halka gudkuxigeenka 2’aad halgamaa cali gurey uu sheegey in uu rumeysanayo hadalkaas uuna ogyahey xubno badan oo ka tirsan xukuumada siilaanyo oo ay isku si wax u wadaan soomaaliya,waana xaqiiq buu yiri in rag badan oo islaax ictisaam iyo damuljadiid ay ku jiraan wasiirada somaliland,mana jirto wax run ah oo shacabka loo sheegayo,laakiin waxaan idiin sheegayaa buu yiri cali gurey in go’aanka kama danbeysta ah ay leeyihiin shacabka iyo afti la qaado uun lagu bedeli karo in somaliland ay noqoto maamul hoostaga soomaaliya kaas oo ah ismaamul goboleed.

Waa markii ugu horeysey ee siyaasi ka tirsan siyaasiyiinta somaliland oo muujiya dabac xaga mawqifka gooni isu taaga soomaliland wuxuuna hadalkani kusoo beegmayaa iyadoo halgamaa cali gurey qirey in maanta oo aan hadleyno uu m/weyne xasan shekh dawlada qadar ka qaadanayo lacag ka badan boqol million oo somaliland ku jirto sidaas darteed shacabka runta u sheega ayuu cali gurey hadalkiisa kusoo gabangabeeyey.