Gudoomiyaha golaha fulinta ahlusunada gobolada dhexe oo dhawaan xilkan loo doortey ayaa maanta ka degey nairobi ee dalka kenya,isagoo sheegey in ahlusuna iyo dawladu ay galeen heshiis wali fulintiisa aan la gudagelin.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in uu u socdo in uu la kulmo jaaliyada ahlusuna taageera lana socodsiiyo habka iyo nolosha deegaanada ay ahlusuna ay maamusho,waxaana heshiiska ahlusuna ay dawladu la gashey ugu weyn in ciidamada ahlusuna ay la wareegto dawlada dhexe ee soomaaliya.
Waa markii ugu horeysey ee shekh cabdi cali fiidaw uu safar debedda ah shaqo ugu baxo tan iyo markii uu bedeley gudomiyihii hore ee golaha fulinta sh maxamed yusuf xefow allaha u naxariistee.




