Waxaa mar kale muqdisho ka dhacey dil loo geystey labo muwaadin kuwaasoo ay fuliyeen ciidamada dawlada federalka soomaaliya.
Labadan muwaadin ayaa lagu kala diley degmada huriwaa iyo degmada kaaraan xaafada godey,lamana oga qorshaha ka danbeeya ee dadka rayidka ah ay ciidamada nabadgelyadu u dilayaan,waxeyna ku soo beegmeysaa iyadoo labo maalin kahor la diley dad ku dhaw toban qof,kuwaas oo r/wasaare saacid uu u magacaabey gudi soo baara dhacdada dadka rayidka ah lagu diley.
Maahan markii ugu horeysey ee ay ciidamadu dilaan dad rayid ah kuwaasoo lagu soo tuurey jidadka muqdisho meelo ka mid ah,taas oo ay aad uga caroodeen qeybo badan oo bulshada kamid ah,kuwaasoo muujiyey walaac ay ka qabaan sida loogu aamini karo masiirka dalka ciidamo gumaadaya shacabkooda rayidka ah.




