Gudi heer wasiir ah oo la sheegey in loo xilsaarey baaritaanka rag la sheegey in ay ciidamada nabadgelyadu si aan waafaqsaneyn sharciga u laayeen.

0
515

Waxaa beryahanba soo ifbaxayey qeylo dhaan ka imaneysey bulshada qeybaheeda kala duwan,taas oo la xiriirta rag la sheegey in ciidamada amnigu ay dileen si aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan.

Ragan ayaa sida la sheegayo hore uga tirsanaan jirey xarakada alshabaab balse kasoo goostey kuna soo biirey dawlada,isla markaana baaritaano shaqsiya loo soo xirey kadibna la diley iyadoon la marin nidaamka dalka u yaal,waxeyna arrintani ka careysiisey dad badan oo filanwaayey maanta in si mooryaanimo loo dilo muwaadin ku jira gacanta ciidamada dawladda.

Arrintan ayuu ra’iisalwasaaruhu sheegey in uu u xilsaarey gudi wasiiro ay ku jiraan wasiirka garsorka iyo caddaalada,wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,kuwaasoo laga rabo in ay soo caddeeyaan sifaha lagu diley muwaadiniintan ka kooban lix ruux iyo in ka badan,waxaana uu r/wasaare saacid sheegey in ciidamadu sheegeen iney sifo sharciga waafaqsan lagu diley ragan la laayey xukuumaduna aysan ku qancin.

Waa markii ugu horeysey oo ay xukuumadu qirato in la diley dad aan marin maxkamad iyo sifo sharciga dalka u yaal aan waafaqsaneyn,ragan ayaa qaarkood la hayaa video iyagoo hadlaya mana jirto sifo ciidamada u baneynaya in ay dad dilaan inta soo qabtaan sida arigii ay miyiga ku ilaashan jireen,waxeyna tani keeneysaa in ay bilawdaan aargoosi qabiil salka ku haya,soomaaliyana la degey mudo ka badan 22 sano.