Dowladda oo shan kun dollar u balan qaaday cidii soo sheegta meel qarax lagu diyaarinayo.

0
327

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaran dowladda somalia C/kariin Xuseen Guutaale ayaa sheegay in dowladda dalka somalia ay siinayso lacag abaal marin ah ciddii soo sheegto goob ay qarax ku diyaarinayaan Al shabab. “waxay dowladda bixinaysaa shan kun oo dollar oo ay siinayso cidii soo sheegta meel lagu diyaarinayo qaraxyada ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha C/kariin xuseen Guutaale. Balanqaadka wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka dambeysay kadib markii shalay qarax ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof shalay uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka.