Qaar kamid ah Xubnaha Barlamanka oo ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in gar gaar ay u fidiyaan Shacabka Somaliyeed.

0
509

Qaar kamid ah Xubnaha Barlamanka oo ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in gar gaar loo fidiyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka dalka Somalia ayaaa ugu baaqay Hay”adaha Samafalka inay gar gaar lasoo gaaraan Shacabka ku dhibaataysan dalka Somalia.

Mudanahaan ayaa sheegay in dhibaato iyo macluul daran ay ka jirto dalka Somalia isla markaasna loo baahan yahay Hay’adaha gar gaarka inay wax ka qabtaan xaaladaas iyadoo loo maraayo Hay;adaha dowladda ee qaabilsan dhanka Samafalka iyo Bani’aadanimada.

“Waxaa looga baahan yahay Hay;adaha Samafalka inay wax ka qabtaan Arrimaha Bani’aadanimada iyo dhibaatada ka jirta dalka Somalia ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Si Kastaba lama oga waxa ka fuli kara baaqa kasoo yeeray Xildhibaankan.