Al-Shabaab oo sheegtay iney gobolka J/dhexe ka hirgelisay iskuulo ay ku bartaan boqolaal arday.

0
603

Al-shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday in degaano ka tirsan gobolka J/dhexe ay ka hirgeliyeen iskuulo ay wax ku bartaan boqolaal arday oo ka mid ah dhallaanka shacabka degaanadaas ku nool.

Wakiilka Al-Shabaab ee gobolada Jubooyinka Shiikh C/raxmaan Xudeyfa oo la hadlayey Idaacada ku hadasha codka Al-shabaab ee Andalus ayaa sheegay in degaanada ay ka hirgeliyeen iskuulada ay ka mid yihiin Degmada Jilib iyo degaanka Hargeysa ee Jilib hoos yimaada iyo degmada Salagle ee gobolka Jubada dhexe, wuxuuna sheegay inay dhawaan qorshaynayaan Goobo hor le oo waxbarasho iney ka furaan degmooyinka Kamsuuma iyo Xagar.

“Jilib waxaan ka furnay goob waxbarasho oo ay wax ka bartaan 400 oo caruur ah, degmada Salagle ee Jubada dhexe waxaan ka furnay iskuul ay wax ku baranayaan arday 400 gaareysa, waxaan hore u soo furnay goobo ku yaalla Degmooyinka Bu’aale iyo Salagle, Qorshahaasna si wanaagsan ayuu noogu soconayaa, Ujeedada laga leeyahayna waa in ubadka soo koraya ay helaan waxbarasho ay aduunkooda iyo aakhiradooda ku fahmaan” ayuu yiri Shiikh Xudeyfa.

Madaxda Al-shabaab ayaa looga bartay ka hadalka dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya iyo arrimaha siyaasada dalka, waana markii ugu horeysay mudooyinkan ee ay ka hadlaan arrimo ku saabsan adeegyo bulsho oo ay ka hirgeliyeen qaar ka mid ah degaanada weli gacantooda ku dambeeya ee koonfurta Somalia.

Dhinaca kale.

Wakiilka Al-shabaab ee gobolada Jubooyinka Shiikh Xudayfa C/raxmaan ayaa sheegay in isbadal dhanka maamulka ah lagu sameeyey Degmada Bu’aale ee xarunta Jubada dhexe halkaasoo uu xusay in loo magacaabay gudoomiye cusub oo badali doona kii hore, isagoo amaan u soo jeediyay gudoomiyihii hore ee Degmada Bu’aale oo uu tilaamamay in uu si wanaagsan ugu soo adeegay Bulshada ku dhaqan Degmada Bu’aale mudadii labada sano aheyd ee la soo dhaafay.