Ra’iisal Wasaaraha oo saaka booqday xerada 54-aad magaalada Garowe

0
504

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay, labadii cisho ee ugu dambeysayna ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka xooga Puntland, halkaasoo aheyd xarun ciidan Millatery dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole, madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland.

Waa Mas’uulkii ugu sareeyay oo ka socda Dowladda Somalia oo gaaray Puntland.