Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ah Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wararka naga soo gaaraayo Magalaada Galkacyo ayaa sheegaya inuu socdo dhaq dhaqaaqyo lagu soo dhaweenayo Ra’iisul Wasaaraha kaas oo ka soconaya Koofurta magalada Galkacyo ee xarunta maamulka Galmudug.
Ra’iiisul Wasaare Dr Saacid ayaa lagu wadaa inuu wada hadalo la yeeshay madaxda Maamulka Galmudug kuwaas oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Dowladda Somalia.
Kadib safaro labadii maalin ee ugu dambeysay uu ku joogay Maamulka Puntland ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha u soo kicitimay magalada Galkacyo isla markaasna kulamo gaar gaar ah uu la yeelan doonno Maamulka Galmudug.




