Ahlu Sunnada Koofurta Somalia oo Shuruudo ku xirtay Hishiis ay ugu mid Noqonayso Dowladda.

0
538

Sheekh Isaaq Xuseen Mursal Gees Dheere oo ah Xog hayaha Gaashandhigga Ahlu sunnada Koofurta Somalia ayaa sheegay in ay diyaar u yihiiin inay ku biiraan Dowladda Somalia laakin ay jiraan Shuruudo ay ku xirayaan dowladda Somalia oo ku aadan ku biiristooda Ciidanka dowladda Somalia.

Sheekh Gees Dheere ayaa sheegay in aysan diidanayn inay hishiisyo ku biiris ciidanka dowladda la galaan laakin ay jiraan Shuruudo kuwaas oo haddii ay dowladda ogolaato ay ku biirayaaan ciidankeeda.

Madaxa waaxda Ciidamada Ahlu Sunnada Gobolada Koofureed ayaa intaas raaciyay inay jiraan qasaaro kasoo gaaray intii ay dagaalada Kula jireen AL Shabab isla markaasna ay hanti badan kaga bur burtay dagaaladaas.

Qasaarooyinka soo gaaray ayaa kamid ah in Gawaari ama Baabur ay kaga bur bureen isla markaasna hanti kale ay kaga baa ba’day dagaaladaas intii ay ku jireen.