Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Jirdil u Gaystay Wariyayaal xilli ay Waajibaadkooda Shaqo gudanayeen.

0
512

Ciidamo ka tirsan Dowladda Somalia ayaa Jir dil u gaystay Wariyayaal ka howlgala magalaada Muqdisho.

Dadka la jirdilay ayaa waxaa kamid ahaa madaxda Ururka Saxafayiinta Qaranka ee NUSOJ waxaana jira wariyaal jirdil xun loo gaystay.

Wariyayaasha la jirdilay ayaa waxaa kamid ah Wariye Maxamed Keeni oo Radio Xamar ka tirsan,C/fitaax Arisona,C.rashiid Deel oo ka tirsan mas’uuliyiinta NUJOS ahna wariye u shaqeeyo Wakaalad warar oo Caalami ah,iyadoo waryiyaal u shaqeeya TV-yada iyana la jir dillay,

Sidoo kale waxaa xeran labo wariye oo ka kala tirsan Radio Shabele iyo TV-ga Horn Caple waxaa kaloo wariyayaasha la jir dillay ku jiray Wariye ka shaqeenayay Warbaahinta Dowladda.

Wariyayashaan ayaa dilka loo gaystay xilli ay doonayeen inay duubtan muuqaalada iyo codadka go’aan Ay gaaraysay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Si kastgaba dilalka,Jirdilka iyo Tacadiyada loo gaysto wariyayasha ayaa kusoo noq noqday magalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia.