Degmada Afgooye oo Ciidamada Dowladda Dad Rayid ah ku dilay.

0
505

Guddoomiye ku xigeenka Dhanka Amaanka Degmada Afgooye ayaa ka warbixiyay dhacda rag ka tirsan ciidamada dowlada ay ku dileen 2qof oo rayad ah 6kalana ay ku dhaawaceen.

Mahdi ayaa sheegay in raga falkaasi geystay ay ka tirsanaayeen ciidamada militariga Somalia ayna la socdeen midka mid ah ganacsatada qaadka xiliga ay geysanyeen falkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay arintaasi eheed dadka shacabka ah lagu laayay mid si aad ah ay maamulkooda ugo xunyihiin maadaama iyaga ay matalayan shacabka dagamada afgooye

Gudoomiya ku xigeenka ayaa sheegay in ay gacanta saaka ku soo dhigeen ganacsatadihii ay la socdeen dadka dhibatadaasi geystay ayna ku xireen xabsiga dhaxe ee dagmadaasi lana su.aalana laga weyniin doona sababta ciidamada militaraga ah oo aan xiligaa shaqa laheen u keenay dagmada

Ugu dambeeyntiina waxaa uu sheegay in ay baxsadeen ragii falkaasi ka dambeeyay

Gobalka shabelada hoose ayaa ka mid ah goobaha ugo dhibaatada badan dagmooyinka iyo gobalada ay dowlada la wareegtay