Xubno ka tirsan barlamaanka loona xilsaarey in ay soo baaraan xasuuq ay geysteen ciidamada amisom oo sheegey in amisom ay masuul ka tahey xasuuqi dhacey.

0
530

Xubno ka tirsan barlamaanka soomaaliya uuna hugaaminayey xildhibaan daahir amiin jeesow,isla markaana u xilsaarnaa in ay soo baaraan xasuuq la sheegey in dhawaan ay ka geysteen ciidamada amisom meel ku dhaw deegaanka leego ayaa sheegey in ciidamada amisom ay dafiraad ku dareen dhibaato ay u geysteen dad dugsiley reer guuraa ah ayna laayeen caruur dugsi quraan dhiganeysey xoolo nool oo isugu jira ari,geel,lo’iyo dameero.

Xildhibaanada ayaa sheegey in goobta wax shabaaba lagula diririn isla markaana ay ciidamada amisom dafirayaan dhibka ay u geysteen dadka rayidka ah ayna ugu yeerayaan in ay magdhaw ka bixiyaan dadki ay laayeen oo caruur u badnaa iyo xoolihii ay gumaadeen,xildhibaanada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in ciidamo sheegaya iney dadka soomaaliyeed u soo gurmadeen ay hadana laayaan.

Xildhibaanadan oo kasoo jeeda deegaanka xasuuqu ka dhacey ayaa si caro leh uga hadley arintan ay ciidamada amisom ku xasuuqeen caruur dugsi qur’aan dhiganayey iyagoo marki hore ku andacoodey in ay alshabaab u maleeyeen islamarkaa hada sheegaya in aysan ogeyn wax ay geysteen sida xildhibaanadu ay warbaahinta u sheegeen,amisom ayaan waxba hubsan marka ay dagaal ku jiraan ama ay jidadka marayaan cid kasta oo ay ka shakiyaana rasaas culculus ayey huwiyaan,meeshii ay ka shakiyaana rasaasta kama joojiyaan ilaa ay wax dhaqdhaqaaqa ka waayaan,sida ay ku sameeyeen caruurtan looxdooda aqrisanayey ilaa hadana wax war ah oo dhankooda kasoo baxey majiro waa amisom’e.