Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed oo ka qeybgaley aaska allaha u naxariistee gudoomiyihii golaha fulinta ahlusuna waljameeca sheekh xeefow…

0
514

Allaha u naxariistee waxaa maanta laga duuliyey muqdisho meydka gudoomiyihi golaha fulinta shekh maxamed aadan xeefow,kaas oo ay sii raaceen wafti balaaran oo uu hugaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed.

Aaska marxuumka ayaa ka dhacey gudaha deegaanka guriceel,iyadoo ay kasoo qeyb galeen madax ka socotey galmudug oo uu hugaaminayey m/weyne ku xigenka maamulka galmudug c/samad iyo kuwo kale,sidoo kale waxaa aaska kasoo qeyb galey madax kasocotey maamulka gobolka hiiraan iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Sheekh xeefow ayaa lagu xasuustaa firfircoonaan iyo dagaalo uu la galey xarakada alshabaab,waxeyna xiriir dhaw lahaayeen dawlada federalka soomaaliya ee hadda jirta iyo tii kmgka aheyd ee ka horeysaba,wuxuuna ka tagey caruur iyo xaasas aynaan wali xaqiijin tiradooda.