Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo kamid ah Culumaa’ udiinka Soomaaliya ugu caansan kana mid ah culimada sida weyn looga yaqaan dhulka Soomaalida Ayaa Goor Dhow Rag Biskoolado Ku Hubeysan Waxa Ay Ku Dileen Magaalada Garawe.
Alle Ha U Naxariistee Shiikh Cabdulqaadir Gacmey ayaa lagu dilay bartamaha Magaalada Garowe, xili uu salaadii Casarka ku tukanayey masjid Al Raxma magaalada Garowe Ee Puntland.
Sidoo kale rasaastii lagu furay marxuumka Ayaa la sheegay inuu ku dhintay wiil kale Oo dhalinyaro ah Kaasoo kamid ahaa dadkii masjidka ku tukanayey.
Ragaani Bistooladaha Ku Hubeysnaa Ayaa La Sheegay In Ay Shiikha rasaas Kala Dheceen Qeybaha Sare Ee Jirkiisa xili uu ku jiray Salaada oo ay dadka u wadataagnaayeen salaada Casar wuxuuna dilka ka dhacay gudaha masjidka Al Raxma Ee Garawe.
Sida Uu Ku Waramay Wariyaha Warsom Kaga Soo Warama Puntland ayaa sheegay in uu jiro nin ay soo qabteen dadka masjidka ku sugnaa oo weliba la sheegay inuu dhaawacyo u geystay dad kale, waxaana la sheegay in ninkaasi uu ku hubeysnaa bistoolad hadana loo gacan geliyey ciidamad Booliiska oo goobta soo gaaray wax yar kadib Markii Uu Dhacay dilka.





