Madaxweynaha maamulka la baxey somaliland axmed siilaayo oo hargeysa kusoo laabtey kadib hawlo uu debedda ugu maqnaa…

0
521

M/weynaha maamulka la baxey somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa kusoo laabtey hargeysa iyadoo ay soo dhaweeyeen madax kakala socotey golayaasha guurtida iyo wakiilada,isla markaana warbaahinta kula hadley qolka soo dhaweynta madaarka hargeysa.

Axmed siilaanyo ayaa sheegey in ay kulmeen xoghayaha arrimaha debedda wilyam heyk islamarkaana ay meesha kasaareen sida uu yiri mad madaw soo kala dhexgaley labada dal,sidoo kale siilaanyo ayaa meesha kasaarey war leysla dhexmarayey oo sheegayey in ay dalka ka baxeyso shirkad turki ah oo mashaariic ka wadey qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka somaliland.

Booqashada axmed siilaanyo ayaa timid kadib dawlada dalka ingiriiska oo qabanqaabo ugu jirta diyaarinta ajendaha shir bisha mey ka dhici doona ingriiska kaas oo ay shir gudoomindoonaan devid camarum iyo xasan sheekh maxamuud,taas oo ay kasoo horjeesteen siyaasiyiin aan xukumi aheyn oo mucaarad ah,sida gud.xisbiga ucid feysal cali waraabe iyo kuwo kale.