Barre aadan shire bare hiiraale oo sheegey in kenya ay heysato kismaayo dawlada soomaaliyana ay hadda ku heysato.

0
504

Gudoomiyihii hore ee isbaheysigii maamuli jirey kismaayo barre aadan shire bare hiiraale oo in mudo ah aan hadalkiisa la maqlin ayaa ka qeyb galey shir ay isugu yimaadeen beesha uu ka soo jeedo ee SADE.

Barre Aadan shire ayaa sheegey in ay beesha sade si balaaran ay u degenyahiin jubooyinka dadka soomaaliyeed ee la degenna ay isku wanaagsanyihiin,isagoo sheegey in dawlada kenya ay kismaayo maamusho qaarna ay shabaab maamulaan,waxaana hada kenya ku heysta buu yiri dawlada soomaaliya,taas oo iftiimineysa shaki hore bulshada soomaaliyeed ay hore u qabeen kaas oo la xiriira in dawlada kenya ay dano gaara ah ka leedahey jubooyinka,waxeyna beryahan dawlada kenya ay ka sameyneysey duqeymo xaga cirka ah gobolada bakool iyo gedo iyagoo dhibaato u geystey dad rayid ah xoolo nool iyo deegaano aaney joogin waxa ay ugu yeeraan Argagixo.

Waa markii ugu horeysey oo barre hiiraale uu ka hadlo arimaha jubooyinka tan iyo markii ay isagoo xildhibaan ah ay xirtey dawlada itoobiya,mana jiraan wax xaga dawlada ah oo warkan ka hadley.