Xidigta fankiyo habeenki fartuun axmed sahal(fartun birimmo)

0
564

Fanaanadda fartuun axmed sahal fartuun birimmo ayaa muqdisho kusoo bandhigtey heeso iyo fan aan hore loogu ogeyn kaas oo qanciyey dadki kasoo qeyb galey bandhig faneedka fartuun birimmo.

Bandhigan oo lagu qabtey magaalada muqdisho gaar ahaan hoolka hottel saxafi ayaa meel la kala fariisto la waayey iyadoo muqdisho laga dareemayo is riix riix la xiriira fanaaniin badan oo barnaamijkooda ku beegey habeenki birimmo iyo 14ka feberwery ee 2013ka ayaan u kuur galney meelo badan oo fanaaniin ka heesayaan hase yeeshee fartuun birimmo waa number koow ama waa brimmo sida magaceeda ka muuqata waxaaney dad badani qalbiyada ka leeyihiin allaw yaa mar kale iigu soo celiya mar haduu xaley idhaafey barnaamijkan fartuun birimmo ee dadku sidan u amaanayaan.

Waxaan wareysaney abwaanka muusikistaha laxamistaha xasan gireyd oo aan weydiiyey aqoon intee la eg ayaad u leedahey fanaanada fartuun axmed sahal fartuun birimmo?
Waxa uu ku jawaabey
adeer fartuun birimmo waa birimmo sida magaceeda aad ka arkeyso waana gabar aad u cod wanaagsan heybad iyo haneed faneedna leh waanan ugu hambalyeynayaa bandhiga quruxda badan ee magaalada maanta ugu hadal heynta badnaa.

Fartuun axmed sahal oo ah fanaanad caan ah oo aad loo yaqaan ayaa dhawaan qurbaha ka timid oo muqdisho soo gaartey waxeyna dad badan oo fankeeda aad u taageera ay codsadeen in bandhig faneedkeeda ay ku qabato national teatarkii qaranka lamana oga waxa ka hor istaagey in bandhigeeda ay ku qabato tiyatarka qaranka soomaaliya,fartuun birimmo ayaa beryaha soo socda shaacin doonta in muqdisho ay kusii nagaaneyso iyo in kale waxaanse leenahey hadaan nahey bahda wakaalada wararka warsom.com hambalyo xidigta fanka somaaliya.