Madaxweyne xasan sheekh oo si toos ah su’aalo loo weydiiyey isagoo kusugan dalka ingiriiska martida loo yahey.

0
500

Madaxweynaha dalka soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamuud ayaa si toos ah waxaa loo weydiiyey su’aalo si toos ah uga baxayey Tvga universal isagoo siyaabo kala duwan uga jawaabey.

Madaxweynaha ayaa aad usoo dhaweystey kalsooni aad u weyna u qirey dalalka dariska ah sida kenya ethiopia iyo jabuuti isagoo ka gaabsadey in ay jiraan xeyndaab ku wareegsan oo aan aheyn Amisom,isagoo hoos u dhigey rajada laga qabo ciidamada qaranka soomaaliya,iskuna tiiriyey ciidamada afrikaanka ah ee dalka ku sugan,madaxweynaha ayaa iska riixey in uu ka mid noqdey koox diimeedyada dalka ka jirey hase yeeshee qirey in uu ku faanayo xisbiga uu gudoomiyaha ka yahey iyo machadka iyo jaamacada SIMAD,madaxweynaha ayaa sheegey in loo baahanyahey dhamaan ardeyda ka qalinjebisey jaamacada “simad”anaga ayaa u baahan ayuu yiri ee iyagu nooma baahna,madaxweyne xasan shekh ayaa si humaag ku jiro u sheegey qodob ka mid ah waxyaabaha uu u tagey dalka ingiriiska,kaas oo ah in dawlada ingriiska ay kala hadlaan waqtiga ay ciidamada amisom ay dalka soomaaliya ka baxaan.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyey jidka ka bedelen ee ay marayaan hadiiba ay ka leexdaan jidkii dawladahii dalka soomarey,isagoo kaga jawaabey wadada ay maridoonaan in ay tahey wadada qoraalka iyo aqoonta si meesha looga saaro huu’haada iyo kutirikuteenta iyo beenta leysla dhex maro.