Xaflado iyo kulamo iskasoo horjeeda oo ka kala dhacey qardho iyo boosaaso..

0
479

Iyadoo ay sideeda bishan janewery ay ku ekeyd waqtigii uu puntland hugaaminayey cabdiraxmaan sh maxamuud faroole ayaa maanta waxaa puntland ka dhacey munaasabado iska soo horjeeda.

Xaflad lagaga soo horjeedo maamulka faroole ayaa ka dhacdey qardho xarunta gobolka karkaar,waxaana laga sheegey shirkaas in aan wixii hada ka danbeeya faroole loo aqoonsaneyn in uu yahey m/weynaha puntland,isla markaana lagu dhawaaqayo maamul kumeelgaar ah halka dhanka kale magaalada boosaaso ka dhacdey munaasabad lagu taageerayo maamulka c/raxmaan faroole kaas oo ay kasoo qeybgaleen faroole iyo qaar kamid ah golayaashiisa waxaana laga sheegey goobta in mudo hal sano ah loogu darey xukunkiisa,iyadoo qaar kamid ah kasoo qeybgalayaasha in aan la heleyn cid dhaanta c/raxmaan faroole,sidaasna halka sano loogu kordhiyey.

Shirarkan iska soo horjeeda ayaa waxey kusoo beegmayaan xili ay dhamaatey afar sano oo faroole soo xukumayey puntland,uuna ku adkeystey in hal sano oo dheeraad ah loogu daro kadib khal khal iyo khalalaase laga baqayo in puntland gasho iyo puntland iyo alshabaab oo dagaal aad u qaraari u dhaxeeyo.