(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/Saacid Faarax Garaad Shire Shirdoon ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafuud Ka Socday Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeyso Oo Maanta Muqdiso Soo Gaaray
Kulankaan oo ahaa mid ay albaabada u laabanyihiin ayaa waxaa xafiiska R/wasaaraha dalka ku yeeshay R/wasaare Saacid oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada iyo wefdi ka socda Q.M uu hogaaminayay kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery feltman.
Sidoo Kale Wafuudaani ka Soctay QM Waxaa Ka Mid ah Ergayga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Arimaha Soomalaiya Mr Augustine Mahiga
Kulanka Oo Qodobo Fara Badan Looga hadlay ayaa Markii Uu soo Idlaaday waaa Saxaafadda Si wada Jir ah Ula Hadlaya R/wasaare saacid Iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery feltman.
R/wasarae Saacid ayaa Sheegay In ay Isago Iyo Wafuudaani Kawada Hadleen Arimo ay ka Mdi Tahay Sidii QM ay U Kordhin Lahayd Caawinaada ay U Fidinayaan Shacabka Soomaaliyeed
Sidoo Kale kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery feltman OO Isna La Hadlaya Warfidiyeenada ayaa Sheegay In Ay Isla Soo Qaaden isaga Iyo R/wasaare Saacid Arimo Fara Badan Oo Xaalada Dalka Soomaaliya Quseeyo
Ugu Dambeyntii Kulankaan ayaa Waxa Uu KU soo Idlaaday Is Fahan Iyo Is Gacan Qaad Dhex Maray Wafuudaan QM Ka socay Iyo Xukuumada Soomaaliya
(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)








