(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga Ka Gudoomay safiirka cusub ee dowlada Somalia u fadhin doona dalka Koonfur Afrika Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi.
Munaasab Safiirkana Iyo safiiro Kale Looga Gudoomayey Waraaqadahooda Aqoonsiga Ayaa Waxa ay Ka Dhacday Xarunta Madaxtooyada Dalkaasi
Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika oo Khudabada Xasaasi ah Halkaasi Ka Jeediyey ayaa Sheegay In ay Taageerayaan Dowladda Dalka Soomaaliya Maadama ay Haatan ka Baxday KMG
Sidoo Kale Waxa Uu Shaaca Ka Qaaday In Uu Aad Ugu Farax San Yahay In Uu Meel Sare Gaaro Xiriirka Ka Dhaxeeyo Soomaaliya Iyo Koonfur Afrika
(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





