Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey kana dhacdey hottel jasiira ee magaalada muqdisho ayaa maanta lagu doortey gudoonka gudiga olompikada soomaaliya.
Gudoomiyaha gudiga olompikada soomaaliya waxaa loo doortey Cabdullahi Axmed Tarabi.
Gud.kuxigenka 1’aad
axmed xasan cabdi wataac.
Gud.kuxigenka 2’aad.
Xasan axmed cabdi.
Gud.kuxigenka 3’aad
ibraahin abukar shaamow.
Halka kusimihi gudiga olompikada duraan axmed faaraxna loo doortey xoghaya guud ee gudiga olompikada soomaaliya.
Gudiga olompikada oo afartii sanoba mar la doorto ayaa doorashadan tii ka horeysey waxaa ay ka dhacdey dalka jabuuti iyadoo gudoomiyihii waqtigaas la soo doortey uu 04-04-2012ka uu ku geeryoodey isaga iyo masuuliyiin kaleba Qaraxii tiyaatarka allaha u wada naxariisto dhamaantoode.
Doorashadan ka dhacdey dalka gudihiisa ayaa waxey muujineysaa soo kabashada iyo nabad kusoo laabashada dalka soomaaliya,waxaana goobjoog ka ahaa wasiiro iyo marti sharaf lagu casumey goobta,iyadoo sida la filayo ay gudigan horyaalaan hawlo farabadan oo la xiriira dhanka isportika iyo soo nooleynta garoomadi burburey ee dalka uu lahaa,iyadõo loogu duceeyey in alle ku garab galo hawlaha loo xilsaarey insha allaah.




